Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Waddanka Kuwait


Axad, December 04, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray dalka Kuwait saakay oo Axad ah, halkaasoo ay uga billaabanayso booqasho dhowr casho ah, isagoo ka duulay dalka Qatar oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwati ayaa sheegay in socdaalka ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisa uu la xiriiro sidii ay uga mahadcelin lahaayeen kaalmada ay dowladda Kuwait u fidisay shacabka Soomaaliyeed.

"Ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisu waxay booqasho ugu tegi doonaan amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Al-Axmed, kaddibna waxay booqan doonaan xarunta bisha cas ee dalka Kuwait," ayuu yiri danjiraha oo la hadlayay idaacada Radio Muqdisho oo ku hadasha afka dowladda KMG ah.


Danjiraha ayaan sheegin inta maalmood ee ay booqashada ra'iisul wasaaraha iyo wafdiga la socda ay qaadanayso, balse wuxuu sheegay inay sidoo kale kala hadli doonaan madaxda dalka Kuwait xiriirka u dhexeeya labada dal.

Wafdigan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee ka socda Soomaaliya oo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii ku taga dalka Kuwait oo ka mid ah dalalka Carabta.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar dhowrkii casho ee lasoo dhaafay wuxuu la kulmay madaxda dalkaas isagoo kala hadlay xiriirka labada dal u dhexeeya iyo kaalmooyinka ay siiyaan Soomaaliya, sidoo kale wuxuu la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool iyo ardayda wax ka barta.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya