Axad, December 04, 2011 (HOL) − Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dalka Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay afar askartooda ka mid ah ku waayeen dagaal Jimcihii ay xoogagga Al-shabaab kula galeen gobolka Jubbada hoose, ayna uga dhaawacmeen dagaalkaas 10-askari oo kale.
Col. Oguna wuxuu sheegay in askarta laga dilay ay noqonayso markii ugu horreysay oo looga dilo dagaal maalin keliya dhacay tan iyo markii ay howlgallada milateri ka bilaabeen gudaha Soomaaliya bartamihii bishii Oktoobar ee sannadkan, isagoo xusay in afar askari oo kale ay uga dhinteen shil diyaaradeed oo dhacay maalintii ugu horreysay oo ay faragelintoodu billaabatay.
"Xoogagga Al-shabaab waxay weerareen Jimcihii ciidamadeenna oo ku sugan tuulo yar oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya. Waxaa nalooga dilay afar askari, innaguna waxaan dilnay tiro ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab," ayuu yiri Col. Oguna.
Saraakiisha dowladda KMG ah ee ku sugan Jubbooyinka ayaa xaqiijiyay inuu dhacay dagaalka, balse waxay dafireen in dagaalkaas looga itaal roonaaday ciidamadooda, iyagoo sheegay inay iyagu gacan-sareeyeen.
"Waxaan idiin xaqiijinaynaa inay kusii yaraanayaan Al-shabaab Koonfurta, ayna u guureen gobollada dhexe ee Soomaaliya," ayuu yiri Oguna isagoo sheegay inuusan howlgalkoodu lahayn waqti go'an oo ay joojinayaan.
Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya Yuusuf Xaaji ayaa isaguna Jimcihii iska diiday in ciidamadooda ay bartilmaameedsanayaan dekedda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
"Waxa aan niri oo dhan waa inaan cadaadis saarayno Al-shabaab si aan uga fogeyno xuduudaha oo aan u sugno ammaanka soohdinteenna, waana wadaynaa taas inta aan xaqiijinayno," ayuu yiri Yuusuf Xaaji.
Dowladda Kenya ayaa waxay bartamihii bishii Oktoobar ee sannadkan waxay cutubyo ka mid ah ciidamadeeda ka gudbisay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay falal xad-ka-tallow ah oo laga geystay gudaha dalka Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya