Dagaal xalay Ciidamada Kenya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray inta u dhexeysa Taabto iyo Qooqaani

Axad, December 04, 2011 (HOL) − Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawaceen dagaal culus oo xalay deegaanno u dhexeeya Taabto iyo Qooqaani ku dhexmaray ciidamada dalka Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dhinacyada dagaalamayay ayaa waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalka uu si iskiis ah u joogsaday saacado kaddib, mana jiro hadal ku saabsan dagaalkii xalay oo kasoo baxay Al-shabaab iyo dowladda Kenya.

"Weerar ay Al-shabaab ku qaadeen kolonyo ciidamada Kenya ah oo kasoo tagay deegaanka Qooqaani kuna socday Taabto ayuu dagaalku ka bilowday, saacado badan ayuuna socday," sidaa waxaa warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada DKMG ah oo ka gaabsaday magaciisa.

Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid aad u xoogan, dhawaqa hubka la isku adeegsanayana laga maqlayay meelo fog-fog, isagoo sheegay in dagaalku uu ahaa midkii ugu xoogga badnaa ee toddobaadyadan dhexmara ciidamada Kenya iyo Al-shabaab.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa intaas ka badan kara, madaama xilliga uu ahaa habeen goobta lagu dagaalamayna aanay jirin wax warbaahinta ah oo tegi karta si ay xaqiiqada u soo ogaadaan.

Dagaalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalin ka hor uu afhayeenka Al-shabaab ee dhinaca howlgallada Sheekh C/casiis Abuu-Muscab uu sheegay inay wixii hadda ka dambeeya weeraradooda la beegsan doonaan ciidamada Kenya, kaddib markii ay iska hor-wareejiyeen ciidamadii Soomaalida ee difaaca u ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya