Axad, December 04, 2011 (HOL) − Guddoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay in miinooyinka lagu aaso Muqdisho ay ka dambeeyaan raggii kasoo goostay Al-shabaab ee lagu daray ciidamada dowladda KMG ah.
Axmed Daaci ayaa hadalkan ku sheegay wareysiyo uu siiyay warbaahinta Muqdisho isagoo sidoo kale sheegay in ruux ka dabeeyay dilka 11-qof iyo dhaawaca 17-qof oo maamulkiisa uu ku wareejiyay hay'adaha dowaldda saacado kaddib lasii daayay iyadoo aan maxkamad la saarin.
"Miinooyinka lagu aaso Muqdisho waxaa ka dambeeyay raggii kasoo goostay Al-shabaab oo si fudud loogu daray hay'adaha ammaanka dowladda, gaar ahaan kuwa nabadsugidda," ayuu yiri Axmed Daaci.
Guddoomiyaha degmada Wadajir, wuxuu sheegay inuu kula talinayo hay'adaha gargaarka inay raggaas kasoo goostay Al-shabaab dib u eegaan, isagoo xusay in isagu uu rumeysan yahay inay weli u shaqeynayaan Al-shabaab.
Dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ka tirsan ayaa tan iyo sannadkii hore u soo goosanayay dhinaca dowladda KMG ah, kuwaasoo qaarkood lagu daray ciidamada dowladdam qaybna ka ah howlgallada ammaan ee Muqdisho ka socda.
"Maalmo ka hor waxaan ku wareejinnay hay'adaha ammanka nin dilal iyo dhaawac ka geystay degamda Wadajir, waana lasoo daayay iyadoo aan sharciga la horgeyn, waxaana la soconnaa in lagu hayo guryo saraakiil ka tirsan hay'adda nabadsugidda ay leeyihiin," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Wadajir.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in raggii kasoo goostay Al-shabaab ee ku biirayh ciidamada kala duwan ee dowladda ay mas'uul ka yihiin qarxyada ka dhacaya Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya