Ururka Midowga Afrika oo mar kale dalbaday in goobo duulimaadyada ka caaggan laga sameeya Soomaaliya

Axad, December 04, 2011 (HOL) − Ururka Midowga Afrika ayaa mar kale ku celiyay dalabkoodii ahaa in laga sameeyo Soomaaliya goob ka caaggan duulimaadyada, sidoo kalena xayiraad lagu soo rogo saddex dekedood oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya si loo horjoogsado in Al-shabaab ay hub iyo dagaalyahanno kasoo dagsato dekedahaas.

Sidoo kale, ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay go'aankii dowlaadda Itoobiya ee ay ku gaartay inay ku caawiso ciidamada AMISOM, kuwa DKMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada dalka Kenya.

Hadalkan ayaa laga soo saaray kulan ay Addis Ababa ku yeesheen xubnaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika, iyagoo sheegay in taageersan yihiin go'aankii ay dalalka IGAD ku taageereen howlgallada ay dowladda Kenya ka waddo Koonfurta Soomaaliya.

"Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay ku guuleysteen inay Muqdisho ka abuuraan fursado kaabaya nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, kuwaasoo muujinaya inay meesha ka baxdo dhibaatada ka jirta Soomaaliya," ayaa lagu yiri warbixin uu goluhu Jimcihii soo saaray.

Goluhu wuxuu ka dalbaday guddiga Midowga Afrika inay Qarammada Midoobay in la kordhiyo muddada uu soconayo howlgalka ciidamada AMISOM, si ay u adkeeyaan nabadda magaalada xarunta ah ee Muqdisho.

Midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay ayaa horay u gaaray go'aan tirada AMISOM lagu gaarsiinayo 12,000 oo askari, inkastoo Midowga Afrika iyo IGAD ay calaamadeeyeen in toddoba waddan oo ka mid ah Afrika ay ciidammo u diraan Soomaaliya si loo gaarsiiyo tirada 20,000 oo askari.

Sidoo kale, ururka Midowga Afrika wuxuu ugu baaqay Qarammada Midoobay inay dajiyaan qorshaha dhaqaale ee AMISOM, iyagoo sheegay in la gaaray waqtigii la dajin lahaa dhaqaalaha ay ciidamada Midowga Afrika u baahan yihiin.

Ugu dambeyn golaha ammaanka iyo midnimada Afrika ayaa waxay ugu baaqeen dallaka Kenya iyo Itoobiya inay taageeraan ciidamada AMISOM si nabad loogu soo celiyo Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya