Axad, December 04, 2011 (HOL) − Wareegto maanta oo Axad ah kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda KMG ah, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa lagu magaaabay xiriiriyaha garsoorka dowladda KMG ah iyo afhayeenka garsoorka.
Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka, Maxamuud Cabdi Nuur (Kitaabi); waxaana lagu xusay wareegtada in mas'uulkan ay howshiisu noqon doonto in hay'adaha dowladda uu u sharraxo lana socodsiiyo howlaha hay'adaha garsoorka.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in mas'uulkan uu u sharraxi doono howlaha hay'adaha dowladdu ay ka leeyihiin hay'adaha kale ee garsoorka. Iyadoo sidoo kale loo magacaabay mas'uulkan afhayeenka garsoorka.
Xiriiriyaha garsoorka ayaa la sheegay inuu toos u hoostagayo guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddiga garsoorka, iyadoo wareegtada lagu sheegay inay dhaqan-galayso marka laga baahiyo saxaafadda.
Magacaabidda xiriiriyaha garsoorka ee hay'adaha dowladda iyo kuwa garsoorka ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay dalka ka maqan yihiin madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali.
Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya