Axad, December 04, 2011 (HOL) − Dhowr sano ka hor beeraleyda gobollka Hiiraan waxaa ay ahaayeen kuwo ku mashquulsan tacbashada Galeyda, ama Haruurka, oo uu caan ku ahaa gobollka marka laga hadllayo dhinaca wax soo saarka dalaga beeraha.
Laakiin sanadihii ugu danbeeyay waxaad moodaa in beeraleydu u jiheysteen dhinac wax soo saarka qudaarta oo markii hore gobollka looga keeni jiray gobollada dariska la ah, sida Shabeellaha dhexe.
Inta badan marka aad eegto dhul beereedyada ku yaala gobollka waxaa ay idhahaagu qabanayaan dalag ka kooban qeybaha kala duwan ee qudaarta, sida Basasha, Qaraha, Yaanyada, Basbaaska, Barbaruuniga, Bocorka, iyo wixii la mid ah, taasoo keentay in hadda gobollka isku badalo mid heer sare ka gaaray wax soo saarka qudaarta.
Mar aan booqanay suuqa magaalada Beledweyne ee lagu iibiyo qudrada, waxaa waqtigaa ku sugnaa gadiid kuwa xamuulka qaada oo lagu daabulayay qudaarta gobollku u sii iibgeeyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya, waxaana ay inoo sheegeen ganacsatada in Basashu tahay tan ugu badan ee gobollku u iibgeeyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya.
"Gobollada ugu badan ee hadda qudaarta looga sii qaado gobollka Hiiraan ama naga soo dalbada waxaa ka mid ah gobollada Galgaduud, Mudug, W/bari, ilaa W/galbeed oo Hargeysa ayaa Basasha halka laga soo doontaa ayuu u sheegay HOL, Gaarane Cali oo ka mid ah ganacsatada suuqa qudaarta magaalada Beledweyne.
Waxaa uu intaa ku darray ganacsadahaasi in xitaa marka la eego dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya qudaarta looga qaado magaalada Beledweyne, halka markii hore ganacsatada halkaa ka timaada ay qasab ku aheyd in ay u sii gudbaan gobollada koonfurta dalka Soomaaliya ay u helaan qudaarta ay u baahan yihiin.
Gobollka Shabeellaha dhexe ee dariska la ah gobollka Hiiraan oo markii hore inta badan qudrada uu ka soo iibsan jira gobollka Hiiraan ayaa hadda waxaa ka soo gala oo kaliya Canbaha iyo Muus-ka, oo aan ku badneyn gobollka Hiiraan, halka Bardhada gobollku uu ka helo dhinaca dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa uu sare u kac ku yimid qaar ka mid ah qudrada ka soo gala gobollka dhinaca Shabeellaha dhexe iyada oo taa ay ku sababeeyeen ganacsatadu wadada isku xirta gobollka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay ku soo rogmadeen daadad ka dhashay roob-ka, taasoo qasab ka dhigeysan in gaarigu wadada ku soo jiro wax ka badan hal Isbuuc.
Sikastaba gobollka Hiiraan oo saldhig u ah dhaq dhaqaaqa ganacsi ee ka jira bartamaha dalka Soomaaliya, islamarkaana saldhig u ah gadiid isaga kala goosha gobollada dalka Soomaaliya, ayaa hadda u muuqda mid hormar fiican ka sameynaya dhinac wax soo saarka qudaarta oo markii hore hore gobollka looga keeni jiray gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya