Talaado, August 23, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Kadib 42 sano oo uu xukumayay dalka Libya ayaa muuqaaladda kasoo baxaya dalkaasi ay muujinayaan in uu dhammaaday xukunkii Macammaral Qadafi.’
Kumannaan ah ciidamada mucaaradka ayaa gudaha u galay deegaanka uu xayndaabka adagi ku hareeraysanyahay , oo ah goobta uu Macammaral qadafi 42 sano uga talinayay dalka Libya.
In kastoo ay u muuqato in mucaaradku ay gacanta ku dhigeen qasrigii qadaafi ayaa wali la sheegayaa in halkaas ay dadka kasoo tooganayaan ciidamada shiishka badan ee daaacadda u ahaa Qadaafi.
Ma cadda in dagaalku dhammaaday waayo gacanta laguma soo dhigin Macammaral qadaafi.
Ciidamada Mucaaradku waxaa ay dhulka soo dhigeen taallo lagu xardhay sawirka Mucamarral qadaafi, iyadoo la arkayay ciidamada mucaaradka oo wada dabaal dagyo burburinayana taalladaas.
Ilaa iyo hadda lama hayo warar caddaynaya goobta uu ku suganyahay Col. Qadaafi, balse afhayeen u hadlay aqalka gaashaan dhigga ee Maraykanka ayaa sheegay inuu rumaysanyahay in Qadaafi uu wali ku suganyahay gudaha dalka Libya.
Waxaana isbaddalada degdeg ah ee ka soconaya magaalada Triboli oo ah xarunta dalka Libya ay imaanayaan, iyadoo uu waddankaasi ku jiray fawdo siyaasadeed muddo 6 bilood ah, kadib markii uu bilowday kacdoonka looga soo horjeedo Col. Qadaafi.
Mustaqbalka Libya ma cadda halka uu u jihaysan doono, balse mucaaradku waxaa ay sheegeen inay ku soo rogi doonaan dalka Libya nidaam ku dhisan cadaalad iyo dimuqraadiyad, iyadoo laga cabsi qabo in Libya ay gasho xaalad adag oo la mid ah midda ka jirta dalka Soomaaliya.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya