Talaado, Ogoosto 23, 2011 (HOL) – Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa laba qof oo Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in, waxaana labadan nin la sheegay inay ka mid ahaayeen 15-qof oo loo haysto inay afduubeen oo ay dileen afar qof oo u dhashay dalka Mareykanka bishii Feberaayo ee sannadkan.
Labada nin ee la xukumay ayaa waxay kala ahaayeen: Cali Cabdi Maxamed oo 30-jir ah iyo Burhaan C/raxmaan Yuusuf oo 31-jir ah, labada nin waxaa la sheegay inay qirteen dambiga ay galeen oo ahaa inay afduubeen isla markaana dileen lamaanayaal Mareykan ah.
Sidoo kale waxaa iyaguna xukun sugayaal ah 13-qof oo saddex ka mid ah ay wajahi doonaan xukun dil ah, waxaana ku jira dadkan wiil yar oo aan weli Qaan-gaarin kaas oo dacwaddiisu ay dib u dhacayso sababa la xiriira da'diisa.
Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa rumeysan in tani ay cashar u noqonayso burcadbadeedda Soomaalida oo caadeystay inay afduubaan isla markaana lacago ka qaataan maraakiibta maraya biyaha badweynta Hindiya iyo badda cas.
"Xukunkan wuxuu fariin cad u dirayaa burcadbadeedda kale oo caado ka dhigtay dhaca hubeysan ee Maraakiibta," ayay tiri mid ka mid ah dacwad-oogayaasha Mareykanka oo la hadashay saxaafadda kaddib xukunka.
Afarta qof ee la dilay ayaa waxay ahaayeen lamanaayaal isqaba oo Mareykan ah kuwaasoo faafinayay diinta masiixiga, waxayna qorshaynayeen inay dunida oo dhan maraan, waxayna noqonayaan dadkii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo lagu dilo biyaha Soomaaliya iyadoo afduub loo haysto.
Dagaal dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo kooxihii burcadbadeedda aha ayaa waxaa ku dhintay afar ka mid ah burcadbadeeddii Soomaaliyeed, kuwaasoo aan waxba laga soo qaadin dilkooda.
Bishii Feberaayo ee sannadkan ayay maxkamadda New York waxay xabsi 34-sano ah ku xukuntay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/weli C/qaadir Muuse, kaasoo loo haystay falal burcadbadeednimo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya