
Dr. Cali Akbar wuxuu sheegay in dalkiisa uu dhaqaale gaaraya 25-milyan oo dollar uu ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed si loo caawiyo shacabka dhibaateysan ee ay ku habsadeen abaaraha.
Wasiirka oo way wehliyeen xubno ka tirsan dowladdiisa iyo ururka bishan cas ee dalka Iiraan ayaa waxay keeneen deeq gargaar ah oo loogu talogalay in loo qaybiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
"Halkan waxaan u imid inaan arko dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxaana dalkaygu uu ugu deeqay 25-milyan oo doollar si wax loogu qabto," ayuu yiri Cali Akbar oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Wafdiga uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali, iyadoo kulankaas kaddib uu ra'iisul wasaaruhu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshaha wafdiga Iiraan.
Socdaalka wasiirka iyo xubnaha la socday oo hal maalin ahaa ayaa dib uga dhoofay Muqdisho, waxaana socdaalkiisa uu imaanayaa iyadoo dhawaan ay Muqdisho oo gaareen madax sare oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya