Afhayeenka Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo u dhoofay dalka Kenya ugana sii gudbaya dalka Sucuudiga

Talaado, Ogoosto 23, 2011 (HOL) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalalka Kneya iyo Sucuudiga.

Shariif Xasan ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka waxaana lagu wadaa in inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi uu kulammo la yeesho xubno ka tirsan beesha caalamka, isagoo kala hadli doona xaaladda dalka.

Inkastoo afhayeenka iyo wafdigiisu aysan saxaafadda la hadlay ayaa haddana xubno ka tirsan baarlamanaka waxay sheegeen in Shariif Xasan uu uga gudbi doono dalka Sucuudiga halkaasoo uu kusoo gudan doono cimro.

Lama sheegin inta casho ee uu qaadanayo safarka guddoomiyaha baarlamaanka uu ku marayo dalalka Kenya iyo Sucuudiga, waxaana uu safarkiisu kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in todobaad kadidb la qabto shirka wadatashiga dhinacyada Soomaalida, kaasoo la sheegay in lagu qaban doono Muqdisho.

Shariif Xasan ayaa wuxuu ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay shirarkii wadatashiga ee ka dhacay Nairobi kuwaasoo ay diiday dowladda KMG ah, wuxuuna sidoo kale hormuud u ahaa shirkii ka dhacay Kampala ee ay isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif ay heshiiska ku kala saxiixdeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa isaguna shalay si lama filaan ah ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo la sheegay inuu casuumaad ka helay amiirka dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya