Talaado, Ogoosto 23, 2011 (HOL) – Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Muqdisho ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyay saddex dhallinyaro ah oo ay ku eedeysay inay ahaayeen jawaasiis, waxaana xukunka dilka ah ku ridday maxkamadda maamulkaas hoostagta.
Saddexda dhallinyarada ah ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: Cabdi Bakaal Macallin, Xuseen Maxamed C/llaahi iyo Ibraahim Maxamed Cabdi iyadoo lagu eedeeyay inay jawaasiis u kala ahaayeen dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo dowladda Kenya.
Fagaare ku yaalla degmada Dayniile ayaa xukunka lagu fuliyay, iyadoo dadweyne badan iyo saraakiisha Al-shabaab ay goobta ku sugnaayeen, waxaana qaaliga maxkamadda xukunka ridday uu sheegay in dhallinyaradan ay da'doodu u kala dhexeysay 16-sano illaa 31-sano.
Qaaliga Maxkamadda oo lagu magacaabo Sheekh Cumar ayaa sheegay in laba ka mid ah dhallinyaradan ay basaasiin u ahaayeen dowladda KMG ah lagana qabtay Muqdisho, halka midka kale laga soo qabtay degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe uuna jaajuus u ahaa dowladda Kenya.
Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in dhallinyaro wajiga xirtay ay toogteen saddexdaas wiil ayna dadweyne badan daawanayeen, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab dad ay ku eedeysay basaasnimo ay ku toogato degmada Dayniile.
Waaliga gobolka Banaadir ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Maxamed Xasan Cumar oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in maamulkiisa uu ugaarsan doono cid walba oo jaajuus u ah dowladda Soomaaliya iyo dowladaha dariska ah, isagoo sheegay inay ku fulin doonaan xukunkan oo kale.
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaan ka hadlin dhallinyarada xukunka lagu fuliyay inay iyaga jawaasiis u ahaayeen iyo in kale. Waxaana degmada Dayniile oo uu ka dhacay xukunka ay ka mid tahay degmooyinka ay Al-shabaab weli kaga sugan tahay Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya