Dowladda Shiinaha oo sheegtay inay gargaarkii ugu ballaarnaa ku caawinayso Shacabka Soomaaliyeed

Talaado, Ogoosto 23, 2011 (HOL) – Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay inay 16-milyan oo doollar ay ku wareejinayso hay'adda WFP si loogu gargaaro shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen, iyadoo sidoo kale dowladda Sucuudiga ay sheegtay inay 50-milyan oo doollar oo gargaar ah ay ku wareejisay WFP.

Deeqda uu Shiinuhu bixiyay ayaa noqonaysa tii ugu badnayd oo mar qura WFP lagu wareejiyo si loogu caawiyo Soomaalida, iyadoo hay'addu ay sheegtay in 20-milyan oo doollar ay ka heshay dalka Mareykanka.

"Gargaarkan waa mid ay shacabka Shiinuhu ay ku caawinayaan Soomaalida," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Shiinaha, waxaana sidoo kale lagu tilmaamay gargaarkan mid ka mid ah kuwa ay dunidu ugu deeqayso shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku habsadeen.

Dhanka kale, xukuumadda Riyaad ayaa sheegtay in 50-milyan oo ay ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku habsadeen marsiinayso WFP, iyadoo sheegtay inay gargaarka intan ka kordhin doonto.

"Hay'adda WFP waxay soo dhaweynaysaa deeqda dhaqaale ee 50-milyan ee kasoo gaartay boqortooyada Sucuudi Carabiya... Waxaa deeqdan loo isticmaali doonaa in lagu quudiyo nus-malyuun caruur Soomaaliyeed ah oo ay nafaqo-darro ba'ani hayso," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay barnaamijka cunnada dunida.

Ugu dambeyn, barnaamijka cunnada adduunka ee WFP waxay sheegtay in loo baahan yahay 250-milyan oo doollar si wax looga qabto xaaladaha macluusha, nafaqodarrida iyo gaajada ka dhalatay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya