Talaado, August 23, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay eedaymo loo soo jeediyay dawladda oo lagu sheegay inay si ula kac ah u hor istaagtay gudashada waajibaadka bahda warbaahinta , kadib markii loo diiday qaar kamid ah wariyayaasha inay galaan goobtii uu shirka jaraa’id ku qabanayay ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Receb Tayyib Erdogan, markii uu booqashada ku joogay magaalada Muqdisho.
Waxaana ay dawladdu sheegtay inay tahay masuuliyadeeda ilaalinta ammaanka iyo xuquuqda wariyayaasha Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu sharraxay sababta keentay in wariyayaasha loo diido galitaanka goobtii lagu qabanayay shirka jaraa’id , taasoo ay dawladdu ku micnaysay in wariyayaasha ay raaci waayeen nidaamkii loo qoondeeyay oo ahayd inay yimaadaan wakhtiga loogu talagalay shirka jaraa’id, iyadoo ay wariyayaasha qaar kamid ah yimaadeen ka hor wakhtigii loo qabtay qaarkoodna ay ka soo dib dhaceen, taasoo ku khasabtay ciidamada ammaanka inay dib u ceshaan.
Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in 2 maalmood ka hor booqashada Erdogan ay shirisay wariyayaasha si loo nidaamiyo, lana diwaan galiyay , la siiyayna kaararka aqoonsiga , isla markaana loo diyaariyay basaska warbaahinta si ay hawshooda u gutaan, iyagoon wax caqabad ah la kulmin.
Sidaa daraadeed ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka “saxafiyiintu iyaga ayaa masuul ka ah, wax walba oo ku yimid” taasoo la sheegay inay markale ku dhici doonto hadday raaci waayaan nidaamka warbaahinta iyo sharciyada lagu ilaalinayo ammaanka.
Jawaabta kulul ee ay ka bixisay dawladda Soomaaliya eedaynta uga timid ururka (NUSOJ) oo u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa timid kadib markii uu ururkaasi dawladda ku eedeeyay inay is hortaagtay gudashada saxafiyiinta Soomaaliyeed waajiboodkooda oo ciidamada ammaanku ay ka celiyeen tabinta booqashadii ra’iisul wasaare Erdogan.
Axmed Cabisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya