Shaqaale ajnabi ah oo la socday markab ku gubtay xeebta Bosaaso oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo

Talaado, Ogoosto 23, 2011 (HOL) – Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland ayaa sheegtay in la soo bad-baadiyay shaqaale ajnabi ah oo gaaraya 21-ruux ,kuwaasi oo la socday markab shalay galab ku gubtay meel aan wax badan ka fogayn xeebta degmada Bosaaso.

Markabkan ay la socdeen ee xoolaha siday oo lagu magacaabo Al-ayman ayaa la sheegay in uu gaaray khasaare aad u daran ,iyadoo inta badan xoolihii saarnaa ay ku gubteen markabka dushiisa marka laga reebo in yar oo kooban.

"Waxaa lagu guulaystay in shaqaalaha la keeno Bosaaso si xaaladooda caafimaad loo dabiibo ,maadaama dabka uu dhibaato gaarsiiyay" ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha Puntland C/majiid oo la hadlay warbahinta xalay.

Sidoo kale masuulkan ayaa sheegay in seddex kamid ahaa shaqaalihii markabka ay isku tuureen badda markii uu dabka xoogaystay, balse markii danbe la soo helay ,iyaga oo dabaalanaya,waxaana intaa uu ku daray in qaar kamid ah shaqaalaha uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Shaqaalaha la keenay cisbitalka ayaa u kala dhashay wadamada Suudaan, India ,Srilanka iyo Soomaaliya ,waxaana la sheegay in dabka uu qabsaday qaybta hoose ee markabka ,isaga oo markii danbe si tartiib ah ugu fiday qaybaha kale ee markabka.

"Arintan ma ahan mid nagu cusub hase ahaate waxaan leenahay hantida bur-burtay allaha samir inaga siiyo "ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha oo xusay in ganacsato Soomaaliyeed oo reer Puntland ay lahaayeen hantidii saarnayd markaba dushiisa.

Waxaa la xasuustaa sanadkii hore in mid kamid ah doonyaha bagaashka qaada ay ku gubatay dekedda Bosaaso,taasi oo markii danbe lagu guulaystay in la damiyo ,inkastoo arimahan oo kale ay sababaan khasaarooyin isugu jira naf iyo maalba.

Faysal Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya