Talaado, Ogoosto 23, 2011 (HOL) – Ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya danjire Agusutine P. Mahiga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka wadatashiga ah ee dhinacyada Soomaalida uu ka dhaco Muqdisho.
Danjire Mahiga ayaa sheegay in shirka wadatashiga ah uu dhacayo 4-ta illaa 6-da bisha Sepetember ee soo socota, isagoo xusay inay isaga iyo madaxweyaha Soomaaliya ay kawada hadleen shirkan.
"Shirka dib u heshiisiinta waxaan rajeynaynaa inuu ka dhaco Muqdisho, waxaana lagu wadaa in madaxweyne Sheekh Shariif iyo Faroole ay soo gabgabeeyaan toddobaadkan kulan ku saabsan shirka, innaguna waxaan kasii shaqeynaynaa ajandayaasha shirka," ayuu yiri Mahiga.
Ergaygu wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay aad uga wanaagsan tahay dhinaca ammaanka markii hore, isagoo sheegay in taas ay sabab u noqotay in lagu qabto shirka guddiga wadajirka ah ee ammaanka Sooamaliya, lana filayo inuu ka dhaco shirka wadatashiga ah.
Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in lasoo dhameystiri doono ciidammadii 3,000 o ciidamomo ah oo la ballan-qaaday in lagu xoojiyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, balse ma uusan sheegin dalalka ay ka imaan doonaan.
Danjire Mahiga ayaa wuxuu hadalladan ka sheegay shir dhinaca ammaanka ah oo ka dhacay shalay Muqdisho, kaasoo uu ka qaybgalay sidoo kalena ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka socday dalalka reer galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya