
Madaxweynaha Jabuuti-Ismaaciil Cumar Geelle
Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay doorashooyinkii madaxnimo ee dalkaas ka dhacay shalya oo Jimco ahayd wuxuuna codadkii la dhiibtay ka helay 80.46 halka uu murashaxa madaxbanaanaa ee la tartamayay Maxamed Warsame Raage uu helay 19.36%.
Madaxweyne Geelle oo markii saddexaad ku guuleysatay doorashooyinka madaxnimo ee dalka Jabuuti ayaa la hadlay dadweynaha dalkaas, isagoo sheegay inuu dadaal u geli doono hirgelinta mashaariicdii uu ballanqaaday intii ololaha doorashooyinku ay socdeen.
Madaxweyne Geelle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada doorashada, wuxuuna uga mahadceliyay dadweynaha Jabuuti sidii ay nabadda u ilaaliyeen intii ay doorashadu socotay iyo sidii ay uga qaybqaateen.
Balse natiijada doorashad ayaa waxaa diiday murashaxii kula tartamay xilka Max'ed Warsame Raage oo sheegay in goobaha cod-bixinta qaakrood lagu shubtay codadkii ay dadku bixiyeen, isagoo ku andacoonaya in hal saac oo dheeraad ah lagu daray xilligii ay soo xirmi lahayd doorashada, meelaha qaarkoodna dadkii isaga matalayay si khasab ah looga saaray goobihii cod bixinta 5:00-galabnimo ee shalay.
"Natiijada doorashada ma aqbalin, umana hambalyeynayo Geelle waayo doorashadu waxay ahayd mid lagu shubtay oo aan xalaal ahayn," ayuu yiri Raage oo intaas ku daray inuu ku kalsoonayaa goobjoogayaal ka socday reer galbeedka balse aysan imaan.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jabuuti Casoowe Idiris Casoowe oo isaguna ka hadlay sida ay doorashadu u dhacday ayaa sheegay inay ahayd mid xaq ah oo uusan weligiis arkin mid la mid ah, wuxuuna xusay in dhammaan goobjoogayaashii lagu casuumay doorashada ay ku tilmaameen mid wanaagsan.
"Sababta aan saacadda dheeraad ah ugu darnay bixinta codadka waxay ahayd iyadoo dadku ay xilli dambe soo baxeen, taasna xaq ahaan u leenahay oo sharciga ayaa qaba, mana jirto cid aan si gaar ah ugu eexannay," ayuu yiri Casoowe oo ka warbixinayay sababta halka saac ee dheeraadka ah ay cod-bixinta ugu dareen.
Dalka Jabuuti ayaa ah dal yar oo ku yaalla geeska Afrika waxaana tirada dadkiisu ay gaaraysaa 650,000-qof, iyadoo ay codeeyeen sida guddigu sheegay dad ku dhow 120,000 qof, taasoo si weyn uga duwan tiradii markii hore la sheegay inay codka dhiibteen.
Guushan ayaa ah middii saddexaad oo Madaxweyne Geelle u ogolaanaysa inuu dalka hoggaamiyo markii saddexaad, waxaana uu xilka haynayaa shan sano oo dambe isagoo horay xilka u hayay 12-sano tan iyo markii uu talada dalkaas la wareegay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya