Sabti, Abriil, 09, 2011 (HOL) – Dibadbax ay soo qaban qaabiyeen garab ka mid ah maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo ka dhacay degmada Caabud-waaq ee goballka Galgaduud ayaa lagu taageeray mowqifka xukuumada KMG Soomaaliya ee ku aadan diidmada shirka Nairobi oo ay qaban qaabineyso QM.
Dibadbaxa oo ahaa kii ugu balaarnaa oo bilihii ugu danbeeyay soo mara degmada ayaa waxaa soo qeyb-galay dad kala duwan oo ka socday qeybaha bulshada, waxaana dadkaasi la hadllay qaar ka mid ah saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca.
Shiikh Ibraahim Guureeye oo dhawaan kulan ka dhacay degmad Caabud-waaq loogu doortay in uu yahay guddoomiyaha guud ee golaha Ahlu Sunna Waljameeca oo dadkii isku soo baxay la hadllay ayaa sheegay in ay garabkooda taageersan mowqifka Madaxweynaha iyo R/iisal wasaarruhu iska taageen ka qeyb-galka shirka oo ah ayuu yiri mid la doonayo in lagu majaxaabiyo dadaalada socda ee la doonayo in dib loogu soo celiyo nabada.
Ka qeyb-galayaasha dibadbaxa ka dhacay magaalada Nairobi ayaa sitay ''Boorar'' lid ku ah shirka la filayo in uu ka furmo Nairobi, iyaga oo dhinaca kalana lulayay calanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in ay siteen sawirka R/iisal wasaarre Max'ed C/llaahi Farmaajo.
Isku soo baxa ay sameeyeen dadka reer Caabud-waaq ee lidka ku ah kulanka uu ku baaqay wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Agustani Mahiga, ayaa ku soo beegmaya xili ilaa hadda aysan wax war ah ka soo saarin kulanka lagu baaqay garabka uu hogaamiyo Macalin Max'uud oo kulan ka dhacay degmada Dhuusa-mareeb loogu doortay in uu noqdo mar kale guddoomiyaha golaha Culima'udiinka Ahlu Suna Waljameca.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Beledweyne, Soomaaliya
[email protected]