Khatar dhinaca ammaanka ah oo haysata haweenka Soomaaliyeed ee qoxootiga ku ah xeryaha dalka Kenya

Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) Madaxa Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan haweenka Michelle Bachelet ayaa sheegtay inay ka walaacsan yihiin khatarta sii kordhaysa ee ku wajahan haweenka iyo gabadhaha Soomaaliyeed ee qoxootiga ku ah xeryaha dalka Kenya.

Bachelet, ayaa sheegtay in haweenka ku jira xeryahaas la faquuqo marka la eego xaqa ay u leeyihiin inay qayb ka qaataan go'aan gaarisnta iyo waxbarashada iyadoo faquuqa lagu hayo haweenka uu billowdo xilliga caruurnimada, marka wiil iyo gabar ay dhashaana la jecel yahay wiilasha.

"Haweenka waxaa lagu kufsadaa guryahooda, buushashka ay daggan yihiin, iyadoo mararka qaarkood xitaa jidadka lagu kufsado. Haweenka waxaa inta badan looga dushaa albaabbada guryahooda xilliga ay hurdayaan markaasoo si khasab ah lagu kufsado," ayay Bachelet ku sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay.

Bachelet, ayaa toddobadkii lasoo dhaafay booqatay xeryaha qoxootiga ee Dhadhaan oo ku yaalla waqooyi-bari ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku jiraan kumannaan qoxooti ah oo ka yimid dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Madaxa haya'dda WFP Josette Sheeran iyo madaxa UNCHR Antonio Guterres ayaa Sabtidii lasoo dhaafay kala hadlay madaxda xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab inay haweenka wax-baraan, si ay ugu suuro-gasho in noloshooda ay isbedel ku sameeyaan ayna qayb ka qaataan xal u helidda dalalkooda.

Qoxootiga ugu badan ee ku nool xeryaha dalka Kenya ayaa waxay ka carareen dagaallada ka socda Soomaaliya, kuwaasoo tan iyo markii ay halkaas tageen ka sheegan jiray ammaan xumo iyo kufsi, iyadoo hay'adaha xuquuqda aadanaha ay dhowr jeer oo hore sheegeen in haween badan si khasab ah lagu kufsado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya