
Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday dalka Burundi, isagoo kulamo la yeeshay Madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza iyo mas'uuliyiin kale.
Wada hadallada dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Burundi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ku saabsan ammaanka Soomaaliya maadaama ay dalkaas ka joogaan Soomaaliya 3,500 askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM.
Socdaalka madaxweyne Shariif ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid shaqo, sidoo kale wuxuu Sheekh Shariif booqday shalay dalka Uganda isagoo la kulmay madaxweyne Yoweri Museveni dalkaas isagoo kala hadlay howgalka ciidamada AMISOM.

Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Nkurunziza ayaa la sheegay inuu qaatay saacado ayna ugu dambeyn isku afgarteen inay iska kaashadaan soo celinta ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.
Wadamada uu Sheekh Shariif booqday ee Uganda iyo Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 9,000 askari kuwaasoo DKMG ah garab ku siiya dagaalka ay kula jirto Xarrakatul Shabaab oo ka talisa inta badan dalka Soomaaliya.
Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay isku dayayso inay Muqdisho iyo gobollada dalka ay ka saarto xoogagga Xarrakatul-Shabaab oo gacanta ku haya, inkastoo aanay taasi weli u suurogelin labadii sano ee ay jirtay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya