Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) – Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn ugu horreeya tirinta codadka doorashooyinka madaxnimo ee shalay ka dhacay dalka Jabuuti, sida ay saakay shaaciyeen guddiga doorashooyinka dalkaas.
Doorashadan oo ay ku tartameen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo murashaxa madaxbannaan Maxamed Warsame Raage ayay guddiga doorashadu sheegeen inay si nabadgalyo ah ku dhacday ayna u soo baxeen dad ka badan intii horay loo diiwaan-geliyay.
"Tirinta codadka doorashooyinka waxaa 75% ku hoggaaminaya madaxweyne Geelle halka murashaxa la tartamaya uu haysto 25%, welina tirinta codadka way socotaa," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti Yaasiin Cilmi Buux oo warbaahinta la hadlay.
Guddiga doorashooyinka ayaa iyaguna sheegay inuu si weyn u horreeyo Geelle ayna u muuqato inuu isagu ku guuleystay doorashooyinka, balse ay weli socdaan tirinta codadkii la dhiibtay, natiijada kama dambeysta ahna ay soo bixi doonto maanta oo Sabti ah.
Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa horay u qaadacay ka qaybgalka doorashooyinka, iyadoo sheegay inaysan ahayn kuwo madaxbannaan, waxayna taageerayaashooda ugu baaqeen inay taageerayaan murashaxa madaxbannaan, waxaana goobjoog ka ahaa doorashadii shalay dhacday dublamaasiyiin shisheeye ah oo soo dhaweeyay sida ay doorashadu u dhacday.
Doorashada ayaa waxaa codadkooda ka dhiibtay 1,58000 qof kuwaasoo ka badan intii guddiga doorashadu ay diiwaan-geliyeen, iyadoo aysan wax rabashado ah dhicin intii ay doorashadu socotay, xaaladduna ay haatan tahay mid daggan.
Maxamed Warsame Raage, oo ah murashaxa la tartamayay madaxweyne Geelle ayaan weli ka hadlin doorashada taasoo looga horreeyo, balse labada mas'uul waxay horay u sheegeen inay aqbali doonaan natiijada kasoo baxda doorashada.
Haddii doorashadan uu ku guuleysto Madaxweyne Geelle ayay waxay noqonasaa markii saddexaad oo uu ku guuleysto hoggaaminta dalka tan iyo markii uu xilkan qabtay sannadkii 1999-kii, inkastoo ay jiraan dhaliilo loosoo jeedinayo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya