Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ay tiradoodu ahayd 100 mudane oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa soo- jeediyay in kulammada ku saabsan dib u heshiisiinta Soomaaliya lagu qabto dalka gudihiisa, iyagoo sheegay in shirka Nairobi haddii la isku raaco ka qaybgalkiisa ay xukuumadda KMG ah ku matalayso Soomaaliya, balse aanu shaqo ku lahayn baarlamaanka.
"Baarlamaanku xaq uma lahan inuu ka qyabgalo shirar ku saabsan nabadda iyo dib u heshiisinta, waxaan shirarkaas ka qaybgalkooda xaq u leh xukuumadda," ayay soo jeediyeen qaar ka mid ah mudanayaashii kulanka ka qaybgalay, waxaana sidoo kale ay sheegeen in baarlamaanku uu ka qaybgeli karo oo keliya shirarka ay yeelanayaan baarlamaannada caalamka.
Mudanayaashan ayaa soo-jeediyay in guddoonka baarlamaanka aysan xaq u lahayn inay ka qaybgalaan shirka ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya haddii la isku raaco in laga qaybgalo, iyagoo taas ku tilmaamay sharci-darro.
Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay fikir kaas ka duwan isagoo sheegay inuusan jirin sharci ka reebaya guddoonka barlamaanka inay shirka Nairobi ka qaybgalaan maadaama uu yahay mid wada-tashanayo oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
"Guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannadu waa inay ka qaybgalaan shirka wada-tashiga ah ee ka dhacaya Nairobi," ayuu yiri mudane Muuse Suudi oo shirka hadal ka jeediyay.
Xildhibaannadan ayaa hadalkoosa u muuqda khilaafka wuxuu imaanayaa xilli ay xukuumadda Soomaaliya shaacisay inaysan ka qyabgalayn shirka lagu qabanayo dalka Kenya, kaasoo ay ku tilmaameen mid lagu kala qaybinayo dalka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya