Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) – Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa ka afduubay meel ku dhow biyaha dalka Cummaan markab laga leeyahay dalka Jarmalka oo sitay calanka dowladda Antigua and Barbuda, sida ay maanta oo Sabti ah lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan biyaha dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya Paddy O'Kennedy ayaa sheegay in markabkan oo lagu magacaabo MV Susan K ay afduub ku qabsadeen koox burcadbeedda ah oo ka kooban 10-ruux aroortii hore ee Jimcihii shalay.
"MV Susan K, waxaa la socday 10 shaqaale oo afar ka mid ah ay u dhasheen dalka Ukraine lixda kalena dalka Filibbiin, wax war ahna lagama hayo xaaladooda," ayuu yiri O'kennedy, oo intaas ku daray inaan sidoo kale la ogeyn wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka markabka lagu qabsaday.
Markabka ayaa wuxuu ka yimid markii la afduubayay magaalada Mombay ee dalka Hindiya wuxuuna ku socday dalka Suudaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay ciidamada la dagaalanka burcadbadeeda ee Midowga Yurub.
Inta badan maraakiibta lagu afduubo biyaha dalka Soomaaliya ayaa waxay kooxaha qabsada ay ka qaataan lacago madaxfurasho, kaddib wadahadallo qaata muddo sannado ah oo dhexmara burcadbadeedda iyo shirkadaha maraakiibta iska leh.
Burcadbadeedda Soomaalida ayaa waxay weerarradooda afduubyada ah ay u weeciyeen meelo ka baxsan biyaha dalka Soomaaliya iyo gacanka Cadan, kaddib markii ay cadaadis badan kala kuleen ciidamada NATO ee ku sugan biyaha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya