Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta kor-meer ku tagaya degmooyin ka tirsan gobollada Bari iyo Nugaal ee Puntland

Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) –Wafdi heer sare ah oo ay horakacayaan masuuliyiin ka tirsan hay'addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala deegaanada Puntland ayaa maanta u anbabaxay safar ay ku tagayaan dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Bari.

"Safarkan waxaa uu yahay mid aan ku kormeerayno sida loo maamulay dhaqaalihii ay UNICEF ku bixisay arimaha abaaraha "ayuu yiri Demetri oo ah madaxa Hay'addaasi ee Puntland. Masuuliyiin ka kala tirsan wasaaradaha caafimaad iyo waxbarashada Puntland ayaa ku wehliya safarkaasi oo noqonaya kii ugu horeeyay oo madax ka tirsan Qaramada Midoobay ay ku booqanayaan goobaha abaaraha ay ka jiraan.

Degmooyinka ay tagayaan waxaa ka mid ah Ayl, Dangoronyo, Isku shuban iyo tuulooyin kale oo hoostaga gobolka Nugaal si qiimayn loogu soo sameeyo dhibaatooyinka halkaasi ka jira. "UNICEF waxa ay kordhin doontaa kaalmada ay ku bixiso abaaraha hada ka jira meelo ka mid ah Puntland "ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan, isagoo ka digay dhibaatooyinka ka dhalan kara abaaraha.

Goobaha ay booqan doonaaan waxa ay kula kulmi doonaan dadka deegaanka oo cabashooyin badan ay ka soo yeeraysay baryihii la soo dhaafay, waxaana jira tiro dad ah oo ka soo cararay abaaraha oo ku sugan Boosaaso.

Kormeerka waxaa  ku wehliyay hay'adda PASWEYN oo korontada iyo biyaha u qaabilsan Puntland ,waxaana ay soo qiimayn doontaa biyo yarida ka jirta meelo ka mid ah deegaanada ay maanta u baxeen.

Ugu danbayntii safarkan ayaa la aaminsanyahay in uu bar-bar socdo gar-gaarro kala duwan oo la gaarsiinayo dadka ku dhibaataysan goobahaasi ,iyadoo ay  sii kordhayaan xoollaha ku le,anaya biyo la,aanta ka jirta qaybo kamid ah Soomaaliya.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan  Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya