Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) – Dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda KMg ah iyo Xarrakatul Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa ku qasbay in 33,000-qof ay ka barakacaan deegaannadoodii lixdii toddobaad ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay hay'adda qoxootiga Adduunka ee UNCHR Jimcihii shalay.
In ka badan kala bar dadkaas waxay kasoo barackeen magaalada Muqdisho, sida ay UNCHR ku sheegtay warbixinteeda. Waxaan hay'addu ay sheegtay in Muqidsho ay ka barakaceen 372,000-qof oo ay sheegtay in hay'adaha gargaarku aysan awoodi karin inay mucaawinooyin gaarsiiyaan xalaadda ammaanka awgeed.
"UNCHR waxay weli tirakoob ku haysaa dadka ka barakacaya degmooyinka Doolow, Buulo-xaawo, Luuq, Ceel-waaq, Dhoobley iyo Taabto oo ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada hoose," ayuu yiri afhayeenka hay'adda Adrian Edwards oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
"Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan qaybaha hubeysan ee Soomaaliya inay ka fogaadaan bar-tilmaameedsiga dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ay ka taliyaan, ayna xaqiijyaan in dadkaas aysan wax dhibaato ah u geysan," ayuu ku daray hadalkiisa.
Tirada ugu badan dadka barakacay waxay kasoo carareen duqeymo loo geystay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo iyagoo baxsad ah ka tallaabay soohdinta ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
"Iyadoo la tixraacayo ilo wareedyo gudaha Soomaaliya ku sugan, weli waxaa ka taagan gudaha iyo daafaha magaalada Dhoobley xiisado u dhexeeya ciidamo taabacsan DKMG ah ee Soomaaliya oo ay dhawaan qabsadeen iyo kuwa Xarrakatul Shabaab," ayaa yiri Edwards.
Degmada Buulo-xaawo ee gobolka Gedo oo ku dhow degmada Mandheera ee dalka Kenya ayaa la sheegay in iyaduna ay dad badan uga barakaceen dagaallo kasoo cusboonaaday. Shaqaalaha UNCHR ayaa sheegay in guryaha degmadaas intooda badan ay burburiyeen duqeymihii xoogganaa ee loo geystay.
Edwards, ayaa sidoo kale sheegay inay qorsheynayaan inay shaqaalahoodu ay booqdaan deegaanada lagu dagaalamay ee Koonfurta Soomaaliya, si ay u soo indho-indheeyaan xaaladda ayna dadka ku haray gargaar u gaarsiiyaan.
Ugu dambeyn, haya'dda UNCHR waxay sheegtay in tirada dadka qoxootiga ah ee ka imaanaya dalka Soomaaliya ay u kordheen saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo sheegtay in ku biireen qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya oo tiradoodu gaarayso 680,000-qof.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya