Intii aan la dhaarin guddoomiyaha oo shalay lagu ansixiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa qoraalkii lagu magaacabay u akhriyay saxaafadda anshax-dhowraha madaxtooyada Mr. Mursal.
Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay xafladda dhaarinta kaddib ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabeen garsoorka, loogana baahan yahay Ilko-xanaf inuu si cadaalad ay ku jirto ugu shaqeeyo dadka iyo dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa hadlay ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sheegay in sababta loogu magacaabay Ilko-xanaf jagadan ay tahay isagoo muddo dheer kusoo dhex-jiray howlaha garsoorka uuna yahay shaqsi aqoon durugsan u leh garsoorka.
Xafladda dharinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin isugu jiray wasiirro, xildhibaanno iyo madax kale oo ka tirsan dowladda, kuwaasoo dhamaantood soo dhaweeyay magacaabidda sheegayna inay la shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare.
Dhanka kale, waxaa shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho guddoomiyihii laga qaaday xilka guddoomiyaha maxkamadda sare Xuseen Cabdi Cilmi, kaasoo sheegay in madaxweynuhu uu sharciga ku xadgudbay, xil ka qaadistiisuna ay ahayd mid aan sharciga waafaqsanayn.
Mudane Xuseen, wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Sheekh Shariif inuu doonayo inuu burburiyo dhammaan hay'adaha dowladda, isagoo khilaafyada soo laalaabtay ee u dhexeeya dowladda ku tilmaamay kuwo ka dhashay iyadoo madaxweynuhu uu si joogto ah ugu xadgudbo shuruucda dalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya