Ciidamada badda Imaaraadka Carabta oo xoog ku furtay Markab dalkooda laga leeyahay oo afduub lagu qabsaday

Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Ciidamada gaarka ah ee dalka Imaaraadka Carabta ay xoog ku furtay markab afduub looga qabsaday, inkastoo aan weli la sheegin dalka ay u dhasheen burcadbadeed afduubkaas geystay, sidaas waxaa lagu sheegay war ay baahisay wakaaladda Imaaraadka Carabta.

Markabkan ayay burcadbadeeddu ka afduubeen badda Areebiya, iyadoo ciidamada badda dalka Imaaraadka ay u dhacen markabka iyagoo kooxihii afduubka u haystay xoog kaga furtay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in markabka oo lagu magacaabo MV Arrilah-I uu ka yimid dalka Australia kuna socday Imaaraadka Carabta markii burcadbadeeddu ay afduubka ku qabsanayeen Jimcihii lasoo dhaafay.

Illaa hadda lama yaqaan burcadbadeedda afduubka ku qabsaday dalka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan iyo halka ay ka yimaadeen, laakiinse badda areebiya ayaa waxaa inta badan afduubyo ka geysta burcadbadeedda Soomaaliya.

Markabkan xoogga lagu furtay ayaa la sheegay inay iska lahayd shirkad lagu magacaabo Abu-Dhabi National Oil Company, iyadoo shaqaalihii la socday ay dhammaantood caafimaad qabaan.

Weerarka lagu furtay markabk ayaan la sheegin khasaare kasoo gaartay kooxihii burcadbadeedda ahaa iyo ciidamadii xoogga ku furtay, iyadoo burcadbadeeddii la sheegay inay baxsadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya