Ciidamada DKMG ah oo dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Dhoobley ee Jubbada hoose

Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Wararka aan ka helanyo deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in ciidamada DKMG ah ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaas, kaddib dagaal saakay aroortii ka billowday deegaankaas.

Goobjoogayaal iyo saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG ah oo diiday in magacyadooda la sheego ayaa u xaqiijiyay saxaafadda in deegaanka Dhoobley oo illaa xalay ay ku socdeen madaafiic culus laga qabsaday xoogaggii Xarrakatul Shabaab ee gacanta ku hayay.

Inkastoo aan tiro sugan laga hayn khasaaraha dagaalkaas ka dhashay ayaa warar hordhac ah oo ay heshay HOL waxay sheegayaan in ku dhawaad 10 ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay ay dhinteen, tiro intaas ka badanna ay dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa ahaa mid ay labada dhinac u adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud, waxaana xoogaggii Xarrakatul Shabaab ee Dhoobley gacanta ku hayay la sheegay inay ku sugan yihiin meel ku dhow deegaanka ayna wadaan abaabul ay ku doonayaan inay mar kale ku weeraraan deegaanka.

Wararku waxay sheegayaan in guryo ku yaalla deegaanka Dhoobnley ay ku gubteen hubkii cuslaa ee ku dhacay, waxaana sidoo kale aad u adag isgaarsiinta markii ay shirkadaha qaarkood u damiyeen qalabkooda dagaallada awgood.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaan weli ka hadlin dagaalkii saakay ka qarxay deegaanka Dhoobley, iyadoo deegaanka uu ahaa mid ay dagaallo ka dhacayeen illaa bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Deegaanka Dhoobley oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku loolamayay gacan ku haynteeda dowladda KMG ah iyo Xarrakatul Shabaab, iyadoo dhowr jeer la kala qabsaday dhowrkii toddobaad ee laga soo tagay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya