Dowladda KMG Soomaaliya oo saraakiil ka tirsan Qarammada Midoobay ka mamnuucday inay tagaan Soomaaliya

Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay ka joojisay saraakiil ka tirsan hay'adaha Qarammada Midoobay inay soo galaan kana shaqeeyaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay ku eedeysay inaysan waxba ka qaban howlaha loo wakiishay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha shalay oo Sabti ahayd ayaa lagu sheegay in dalka aysan soo geli karin kana shaqeyn karin Mr. Scott Cambell oo ah madaxa bariga iyo koofurta Afrika ee xafiiska xaquuqda aadanaha ee Qarammada midoobay (Office High Commissioner for Human Rights –OHCHR-) iyo Mrs. Sandara Beidas oo ah wakiilka Qarammada Midoobay ee xuquuqda aadanaha isla markaan ah madaxa qaybta xaquuqul insaanka ee xafiiska siyaasadda UN-ka ee Soomaaliya (UNPOS).

Wasaaradda, ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay arrintan ku wargelisay dhammaan hay’adaha ku shaqada leh socdaalka. Sidaa darteed, wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa iyaduna la sheegay inay qoraal arrintaas ku saabsan u qortay hay’adaha Qarammada Midoobay oo ay UNPOS wakiilka ka tahay.

Qoraalka mamnuucdda saraakiishan, ayay dowladda Soomaaliya ku sheegtay inay ugu baaqayso xafiiska xaquuqda aadanaha ee Qarammada Midoobay inay ka fiirsadaan in shaqsiyaadkan oo kale ay u soo wakiilanayaan arrimaha dhowrista xaquuqul aadanaha ee Soomaaliya.

Wasiir-u-dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ahna ahna u qaybsanaha arrimaha xuquuqda aadanaha ee DKMG ah Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa soo dhaweysay go'aankaan, iyadoo sheegtay inay lagama maarmaan tahay in dalka uu yeesho awoodii uu ku ilaalin lahaa xuquuqda aadanaha si aan u dhowrno dhammaan xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sahro, waxay sheegtay inay jiraan shaqsiyaad hortaagan sidii loogu guuleysan lahaa wax ka qabashada xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo horumar laga gaaro, iyadoo sheegay inay shaqsiyaadkaas ka mid yihiin kuwa laga joojinay inay ka howlgalaan Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya go'aansato inay shaqooyinka ka joojiso saraakiil ka tirsan Qarammada Midoobay, ayna ku eedeyso inay fulin waayeen howlihii loosoo xilsaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya