Odayaasha beelaha Soomaaliyeed oo taageeray go'aankii ay xukuumadda KMG ah ku kororsatay muddada

Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Kulan ay maanta oo Axad ah Muqdisho ku yeesheen golaha odayaasha beelaha Soomaaliyeed ayaa waxay ku taageereen go'aankii ay xukuumadda KMG ah muddada halka sano ah ku kororsatay, iyagoo sidoo kale ka hadlay shirka ka dhacaya Nairobi.

"Golaha Odayaasha beelaha Soomaaliya waxay taageerayaan qorshaha xukuumadda Soomaaliya ay waddo ee looga baxayo xilliga KMG ah, sidoo kale waxaan soo dhaweynaynaa muddada sannadka ah ee ay ku darsadeen xilligooda shaqo," ayaa yiri Ibraahim Maxamed Odawaa oo saxaafadda la hadlay kulankooda kaddib.

Mr. Odawaa ayaa sheegay in muddada sannadkan ah ee dhammaan hay'adaha dowladda loogu daray xilliga ay shaqeynayaan sida madaxweynaha ay tahay mid ay dowladda KMG ah ku dhameystirayso howlaha horyaalla.

Golaha wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ku gaaray go'aan inay muddada ay shaqeynayaan ku kororsadaan hal sano, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid ay ku dhameystirayaan howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin: dib u dhiska, soo celinta ammaanka, dhameystirka dastuurka iyo qodobbo kale.

Muddo kororsiga xukuumadda ayaa waxaa kasoo horjeestay Qarammada Midoobay iyadoo ka codsaday xukuumadda jirta inay howlaheeda ku dhameystirto illaa bisha Ogoosto oo xilligeedu ku ekaa, lana qabto doorashooyin lagu soo dooranayo hoggaan cusub oo ay yeelato dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyaha golahan Maxamed Xasan Xaad oo isaguna saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan shirka uu Agustine Mahiga diyaarinayo, kaasoo uu ku sheegay inuu yahay mid lagu burburinayo dowladda Soomaaliya.

Mudane Xaad ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go'aanka ay dowladda KMG ah ku gaartay inaysan shirkaas ka qaybgalay, isagoo xusay in shirkaas uu yahay mid dhabarka looga jabinayo howlaha dowladda KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya