Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) –Maamulka degmada Buuhoodle ayaa maanta shaaciyay in raashin gar-gaar oo loogu tala galay dadka dhibaataysan lagu boobay gudaha degmadaasi, xilli la qorshaynayay in loo qaybiyo dadka degmada.
"Raashinka waxa uu ahaa mid ka kooban qaybo badan.waxaana boobay dhalinyaro dablay hubaysan ah "ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka gobolka Cayn oo la hadlay idaacadaha qaar ee Bosaaso.
Waxaa kaloo masuulkan uu sheegay in raashinkan ay dowladda ugu tala gashay sidii loogu caawin lahaa dadka ka soo cararay abaaraha ka jira gobolkaasi ee ku sugan degmada Buuhoodle. "Arintaa waxaa horseed ka ah abaaraha ka jira gobolka ,maamulkana waxaa uu wadaa baaritaan la xiriirta arinta dhacday "ayuu hadalkiisa ku daray Maxamuud Cumar Hassan.
Gudoomiye ku-xigeenka ayaa ka codsaday in laamaha dowladda ee Puntland ay kordhiyaan gar-gaarka dadka loogu tala galay si looga baxo abaarahan keenay in raashin la boobo. "Mararka qaar waxaa dhacda in raashinka aysan gaarin goobihii loogu tala galay oo aan dhihi karno isku dhac ayey sababtaa "ayuu intaasi ku daray.
Abaaraha ka jira meelo kamid ah Soomaaliya ayaa inta badan sababa colaado gaystay khasaarooyin kala duwan ,waxaana arimahan ay ku soo beegmayaan,iyadoo gobollo ka tirsan Puntland laga filayo in uu roob ka curto si looga baxo dhibaatada hadda la dareemayo.
Faisel Maxamed Hassan ,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Soomaaliya