Sarkaal u hadlay Dowladda Soomaaliya oo sheegay inay dagaalladii Dhoobley ku dileen dagaalyahanno Ajnabi ah

Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Sarkaal u hadlay ciidamada DKMKG ah ee ku sugan gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay inay hayaan maydadka dad ajnabi ah oo ay ku dileen dagaallo Jimicii lasoo dhaafay ku dhexmaray iyaga iyo Xarrakatul Shabaab deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

"Waxaan dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Dhoobley Jimcihii ku dilnay dagaalyahanno shisheeye ah, kuwaasoo aan baaritaanno ku hayno dallaka ay u dhasheen," ayuu yiri Axmed Maxamuud Cabdi oo ah sarkaalka u hadlay DKMG ah.

Sarkaalkan, ayaa sheegay inay dagaallada wadayaan inta ay dalka ku sugan yihiin dagaalyahannada shisheeyaha ah iyo Xarrakatul Shabaab oo ay u dagaalamaan, isagoo kale wuxuu xusay inay qorsheynayaan weerarro cusub oo ay ku qaadaan deegaanka Dhoobley iyo deegaanno kale oo Jubbooyinka ka tirsan.

Deegaanka Dhoobley oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku dagaalamayay tan iyo bishii hore ciidammo taabacsan DKMG ah, kuwa Raaskambooni iyo Xarrakatul Shabaab, waxaana dagaalladaas ay khasaare kasoo gaartay shacabkii ku noolaa deegaankaas iyo weliba guryihii ay daganaayeen.

Xalay ayaa la sheegay in duqeymo culus loo geystay deegaanka, kuwaasoo la sheegay inay ka imaanayeen dhinaca soodhinta dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG ah, waxaana deegaanka si buuxda gacanta ugu haysa Xarrakatul Shabaab.

Mr. Axmed oo ah sarkaalka u hadlay dowladda KMG ah ayaa sheegay inay hayaan toddoba mayd oo ay baaritaanno ku wadaan baasaboorro ay ka heleen, ayna saxaafadda u soo bandhigi doonaan marka uu baaritaankoodu dhammaado.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaan ka hadlin dalka kasoo baxay sarakaalka u hadlay dowladda KMG ah ee Soomaaliya kaasoo sheegaya inay hayso maydadka dagaalyahanno Ajaanib ah oo u dagaalamayay Xarrakatul.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya