Waxgaradka Jubbooyinka oo kasoo horjeestay Maamulka Azaaniya ee dhawaan loo magacaabay gobbaladaas

Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Odayaasha dhaqanka iyo wax garadka kasoo jeedo beelaha dego gobbalada jubbooyinka oo maanta kulan balaaran ku yeeshay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobbalka jubbada hoose,waxaa ay si cad oga soo horjeysteen,una cambaareeyeen maamulka gobbaleedka Azaaniya ee dhawaan loosoo magacaabay gobbalada Jubbooyinka iyo Gedo,kaasoo uu hogaamin doono Pro Maxamed Cabdi Gaandi' oo horay u ahaan jiray Waziirkii hore ee Gaashaandhiga ee dowlada KMG ah ee somalia haatana kamid ah Xildhibaanada dowlada somalia.

Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimaya,islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Suldaano iyo Oday dhaqameedyo aad u tiro badan ayaa intii uu kulankaasi socday waxaa dhaliilo iyo eedeemo loo soo jeediyay maamulka cusub ee Mr Gaandi,waxaana ay cuqaashu dhaqanka sheegeen in maamulkaasi uu yahay mid aan matali karin Beelaha iyo shacabka soomaliyeed ee dega gobbalada Jubbada Hoose,J/dhexe iyo gobbalka Gedo.

Nabadoon Ismaaciil Haaruun'' oo kamid ahaa Odayaashii ka qeyb galay kulankaasi islamarkaana kahadlay madashada Shirka waxaa uu sheegay in hadii ay yihiin Garaadyada,Culumada iyo Odayaasha dhaqanka ee gobbalada jubbooyinka inaysan jirin wax taageero ah oo ay u hayaan maamul gobbaleedka Azaaniya ee somaaliyeed (Satate Of somalia) ee dhawaan loo soo magacaabay gobbaladaasi oo ay ka taliyaan maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab.

Odayaashu waxay kaloo ay shaaca ka qaadeen dagaal ay lagalayaan maamulkaan cusub ee lasoo magacaabay gobbalada jubbooyinka,iyagoona Pro Gaandi oga digay inuu soo weeraro gobbalo ay haatan nabad iyo barwaaqo ka jirto ''sida ay hadalka u dhigeene''.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Limuuru ee dalka Kenya uu ka dhacay Shir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Wafuud ka socotay beesha Caalamka,Waziiro ka tirsan dowlada somalia,Odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee Ururada bulshada kaasoo,waxaana kulankaasi lagu magacaabay maamul lamagac baxay maamul Gobbaleedka Azaaniya,kaasoo lagu wado inuu ka howli gali doono gobbalada jubbooyinka iyo Gedo oo ay ka arimiyaan Maamulada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya