Xildhibaan ka mid ahaa kuwa baarlamaanka KMG ee Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalya ugu geeriooday isbitaalka madiina ee Muqdisho, halkaasoo loo geeyay in looga daweeyo xanuun kaga soo booday, sida uu saxaafadda Muqdisho u xaqijiyay xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

"Xildhibaanka geeriyooday waxaa lagu magacaabo jiray C/kariin Maxamed Khayre waxaana xalay wadnaha kaga soo booday xanuun kaasoo sababay inuu ku dhinto isbitaalka Madiina," ayuu xildhibaan Maareeye.

Mudanaha ayaa sheegay in marxuumka lagu aasay agagaarka isbitaalka Madiina ee Muqdisho. Mudanahan ayaa noqonaya midkii labaad oo xanuun awgiis uga dhinta baarlamaanka Soomaaliya muddo hal toddobaad ku siman.

Waxaa toddobaadkii hore magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday mudane lagu magacaabi jiray C/llaahi Macallin Maxamed (Faax), kaasoo xanuun awgiis ugu geeriyooday isbitaal la dhigay.

Baarlamaanka Sooamaaliya oo ka kooban 550-xubnood ayaa waxaa ka geeriyooday tan iyo 2009 markaasoo tiradiisa la kordhiyay in ka badan 20-mudane oo qaarkood ay u dhinteen xanuuno lasoo gudboonaaday, halka kuwo kalena la dilay.

Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaan ka hadlin geerida xildhibaankii xalay ku geeriyooday Muqdisho, iyagoo sidoo kalena aan horay uga hadlin geeridii ku timid xildhibaan Faax.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya