Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Wasiirka arrimaah gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho maanta oo Khamiis ah ayaa ka digay in shirarka iyo mudaaharaadyo aan fasax loo hayan lagu qabto magaalada Muqdisho.
Mudane C/shakuur ayaa sheegay in cid walba oo sameysa dibadbax ama shirar gaar ah oo aanay ogolaasho uga haysan wasaaradda arrimaha gudaha ay la tiigsan doonaan sharciga Islaamka iyo kan dalka u dagsan.
"Haddii dadku ay doonayaan inay qabtaan shirar ama mudaaharaadyo waa inay lasoo xiriiraan wasaaradda arrimaha gudaha si ay ogolaasho u siiso, ciddii aan lasoo xiriirin oo lagu helo iyadoo qabanaysa shir iyo mudaaharaad sharciga islaamka ayaan horgeyn doonnaa," ayuu yiri wasiirka oo saxafiyiinta la hadlay.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay ogoshahay in shirar iyo dibadbaxyo la qabto basle ay noqdaan kuwo ogolaasho loo haysto, isagoo sidoo kale u digay dad uu sheegay inay rabashado ka wadaan gobollada nabdoon ee dalka Soomaaliya kuwaasoo uusan si gaar ah u magac-dhabin.
"Shirkii golaha wasiirrada ee maanta aad ayaa loogu cambaareeyay kuwa fidnada ka wada gobollada nabdoon ee dalka ku yaalla," ayuu yiri wasiirka oo sidoo kale ugu baaqay shacabka in haddii ay khatar dareemaan ay lasoo xiriiraan wasaaradda si loo sugo ammaankooda.
Wasiirka oo wax laga weydiiyay dadka ku dhibaateysan gudaha Muqdisho iyo in gargaar ay u hayaan ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay gargaarto shacabkeeda ku dhibaateysan gudaha dalka wax walba oo ay tari kartana ay tarto, isagoo ugu baaqay shacabkuna inay is-gargaaraan.
Digniinta kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa noqonaya tii labaad oo kasoo baxda inta lagu jiro bishan, iyadoo lagu soo beegay xilli ay ka socdaan hoteellada Muqdisho qaarkood shirar lagu cambaareynayo dowladda laguna codsanayo in la qabto doorashooyin inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya