Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in iyadoo aan ammaanka la sugin aan la qaban karin doorasho

Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in iyadoo aan ammaanka la sugin aan Muqdisho lagu qaban karin doorasho, wuxuuna sidoo kale sheegay in dowladda ay u baahan tahay hal sano oo dheeraad ah si ay wax uga qabato howlihii loo xilsaaray.

"Waxaan u baahannahay in dib loo dhigo doorashada, maxaa yeelay shaqooyihiin la doonayay in la qabto inta aan la gaarin xilliga kala garuurka waxba lagama qaban, waqtiga hadda harayna u maleyn maayo in lagu qaban karo," ayuu Farmaajo ka sheegay kulan uu shalay la yeeshay shalay waxgarad Soomaaliyeed.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in Xarrakada Al-shabaab ay waddo abaabul ay ku doonayso inay ku afgambiyo dowladda KMG ah, iyaguna ay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay Muqdisho uga saaraan.

"Doorashada waxay u baahan tahay xilli ammaan ah, waayo hadda magaalada gacanta nooguma jirto, waxaan u baahannahay si aan gacanteenna ugu soo celinno waqti, markii ammaanka la sugo ayaa la isku diyaarin karaa doorasho," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay inay doonayaan waqti ay ku suuro-geliyaan inay maamullada dalka ka jira ay wadashaqeyn u dhexmarto, isagoo xusay in dib u heshiisiinta iyo sugidda ammaanka ay yihiin howlaha ay xoogga saarayaan.

"Beesha calaamka waxaan ka codsanyanaa inay shacabka Soomaaliyeed gacan siiyaan ayna u gargaaraan, maadaama ay ummaddan ku jirtay muddo 20-sano dagaallo," ayuu yiri Farmaajo, oo carrabka ku dhuftay in codsigoodii ahaa inay ka howlgalaan Muqdisho ay fuliyaan.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo hadal qaaday shirarka lagu qabanayo dalka dibaddiisa, isagoo ku tilmaamay kuwo aan dan u ahayn Soomaalida loona baahan yahay in shirarka dib u heshiisiineed iyo kuwa ay kuwada hadlayaan Soomaalida lagu qabto dalka gudihiisa.

"Ma ahan in maalin walba diyaarado la saarnaado, waa inaan ka shaqeynno sidii dalka gudihiisa loogu qaban lahaa wadahadallada u dhexeeya Soomaalida, balse in la yiraahdo waxaad u qaybsan tihiin beelo ama qabiil-qabiil mana heshiin kartaan runtii waa arrin xaqiraad ah," ayuu yiri Farmaajo, oo odayaashii uu la kulmay ku boorriyay inay ka shaqeeyaan nabadeynta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, qurbo-joogta Soomaalida ayuu ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii dalka Soomaaliya nabad loogu soo celin lahaa, isagoo sheegay in dalkan uu yahay dalkoodii ayna kaalin ka qaataan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya