Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Ciidamada DKMG ah ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, kaddib dagaal khasaare badan geystay oo shalay gallinkii hore ku dhexmaray dhinacyadan Tuulo-barwaaqo oo koonfur kaga beegan degmada Garbahaarey.
Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee DKMG ah Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay inay saakay si nabad ah ku galeen Garbahaayre ayna iyagu haatan gacanta ku hayaan, isagoo sheegay in xoogaggii Xarrakatul Shabaab ay isaga baxeen degmadaas saakay aroortii hore.
"Degmada Garbahaarey innaga ayaa gacanta ku hayna ciidamadii ku sugnaa ee Al-Shabaab way isaga baxeen, waxayna u ruuqaansadeen dhinaca Buur-dhuubo iyo degmada Baardheere," ayuu yiri Kaliil.
Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Gedo wuxuu shacabka degmadaas ugu baaqay inay is-dajiyaan ayna la shaqeeyaan maamulkooda, isagoo xusay inaysan jirin wax dhibaato ah oo loo geysanayo.
Xarrakada Al-shabaab ayaan ka hadlin qabashada degmada Garbahaare ee gobolka Gedo halkaasoo ay gacanta ku hayeen labadii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay degmadan noqonayso degmadii afaraad oo ka tirsan gobolka Gedo lagana qabsado Xarrakatul Shabaab tan iyo markii ay billowdeen dagaallada gobolkaas ka socda bishii Feberaayo sannadkan.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegaya inay degmadaas ka taagan yihiin xiisado colaadeed. Dowladda KMG ah ayaa isku dayaysa inay gobolka Gedo ka qabsato Xarrakatul Shabaab oo gobolkaas ka talinaysay labadii sano ee lasoo dhaafay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya