Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Wasiirka cadaaladda iyo arimaha garsoorka Puntland C/khaliif Shiikh Xasan ayaa sheegay in maamulka uu aad uga xun yahay dagaalkii shalay Gaalkacyo ka dhacay, kaasoo dhexmaray labo beelood oo walaalo ah.
"Dowladdu waxa ay canbaaraynaysaa dhamaan dhinacyadii ka qayb-galay dagaalkaasi oo wax u dhimayo xasiloonida Gaalkacyo "ayuu yiri wasiirka oo warbaahinta la hadlay. Waxaa kaloo uu sheegay musaalkan in dowladda ay guddi u magacaabi doonto xal ka gaarista dhibaatadii shalay dhacday ,taasi oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
"Halkaan waxaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelkii ku geeriyooday dagaalka,mana aqbalayso dowladda in arimahan ay sii socdaan "ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.
C/khaliif Shiikh Xasan ayaa sheegay in labada beelood looga baahanyahay sidii ay uga heshiin lahaayeen dirirta dhexmartay ,isaga oo dagaalka ku tilmaamay in uu yahay mid gacmo kale ay ka danbeeyaan.
"Dagaal wiil baa ku dhinto ee wiil kuma dhasho ,waxaana dhinacyada looga baahanyahay in ay ka gudbaan maraxaladahan adag" ayaa uu yiri wasiirka mar kale ,isaga oo ku dheeraaday ahmidda ay nabad-galyada leedahay. Waxgaradka mid kamid ah beelaha dagaalamay ayaa ka digtay in dagaalka loo leexiyo arimo argagaxiso,iyaga oo taasi oo ku tilmaamay in dhinacyada ay sii kala fogaynayso.
Dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo ayaa la sheegay in tirada dhimasho ay iminka gaarayso shan ruux ,waxaana maanta degmada ka bilwoday dadaalo labada dhinac lagu dhex-dhexaadinayo.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya