Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Ururka Midowga Afrika ayaa ugu baaqay beesha calaamka inay gacan ka siiyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya sidii ay dib ugu soo celin lahayd ammaanka dalka Soomaaliya, sidoo kalena la caawiyo maamullada dalka ka jira.
Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya danjire Abuubakar Gaoussou Diarra oo ka hadlay kulan shalay lagu qabtay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kaasoo looga hadlay siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in DKMG ah ay u baahan tahay in gacan laga siiyo howlaha dib u heshiisiinta.
"Kaalmada beesha caalamka waa mid lagama maarmaan ah; waana mid loo baahan yahay inay socoto muddo dheer si loo xaqiijiyo hannaanka nabadeed ee Soomaaliya ayna hay'adaha dowladda ku fuliyaan howlaha horyaalla muddada u harsan," ayuu yiri Diarra.
Ergayga ayaa hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay in xal waara loo helo dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, laakiinse wuxuu sheegay xalka ugu horreeya laga gaaro arrinta ku saabsan xilliga kala guurka ah oo ay madaxda DKMG ah isku maan-dhaafsan yihiin.
Danjire Diarra ayaa ka sheegay kulanka looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu soo agaasimay wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, in beesha calaamka ay tixgelin siiso sidii loo dhisi lahaa guddi ka hortaga in la carqaladeeyo hanaanka dib u heshiisiineed ee Soomaaliya.
"Soomaaliya waa dalka keliya adduunka oo ay dadkiisu dagaalamayaan, ayna ka dhacaan falalka bani'aadamnimada ka baxsan oo aan laga walwalayn. Haddii loo diro farriin yar oo waxtar leh dadka Soomaaliyeed way adeegsanayaan, waxaana rumeysanahay in taasi ay isbedel keeni karto, sidoo kalena ay siyaasadda kobcin karto," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Wakiilku wuxuu dowladda Talyaaniga ku boorriyay inay taageerto ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho oo gacan siiya DKMG ah, isagoo hoosta ka xariiqay in kaalmadan ay saldhig u noqon karto in howlgalka AMISOM ay sii socdaan.
Kulankan, ayaa waxaa si wadajira ah u guddoominayay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Franco Frattini iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Kulanka waxaa looga dooday sidii daganaasho buuxa loogu heli lahaa Soomaaliya iyo kaalinta beesha caalamka ee ku aaddan arrintan.
Waxaa kulanka ka qaybgalay siyaasiyiin Talyaani ah, saraakiil sarsare oo ka socady hay'adaha caalamiga ah, wakiillo ka socday qurbo-joogta Soomaalida iyo dad ku taqasusasay saadaasha.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya