Roobab lagu diirsaday oo saacadihii la soo dhaafay ka da'ay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Saacadihii la soo dhaafay inta badan dadka ku dhaqan Miyiga ka fog wabiga shabelle iyo waliba dadka dega hareeraha wabiga, waxaa ay ahaayeen kuwo qabowsaday kadib markii uu Eebe u shubay raxmadiisa.

Deegaannada ku hareereysan magaalada Beledweyne gaar ahaan kuwa dhaca Jiinka wabiga ayaa waxaa ku da''ay roob sida ay HOL u sheegeen reer Miyiga siweyn loogu diirsaday, halka sidoo kale dhulka Caduun-ka ah ama ka fog wabiga shabelle intaba badan abaartu ku dhufatayna ay heleen roob meelaha qaar sida la sheegay baliyadii biyo dhigay.

Sidoo kale xalay oo idil ayaa dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne waxaa ay idhaha la raacayeen hilaaca roob-ka ka da'aya hareeraha magaalada, walow gudaha magaalada uusan ka da'in roob weyn oo la sheegi karo.

Roobab-kan hadda ka curtay qeybo badan oo ka mid ah goballka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili bilihii ugu danbeeyayba dadka ku dhaqan goballka gaar ahaan reer Miyigu siweyn uga cabanayeen abaar kulul oo ku dhuftay dadka iyo duunyada intaba, waxaana hubaal ah in haddii ay Roobab-ku sidan ku sii socdaan ugu yaraan dadku ka soo kaban doono diiftii iyo diihaalkii ay abaartu ku reebtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya