Dagaal khasaare nafeed geystay oo ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmaray Magaalada Muqdisho

Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) Dagaal u dhexeeya ciidammo kawada tirsan DKMG ah ayaa ka dhacay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo iskahoirmaadka la sheegayo inay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Iskahorimaadkan ayaa ka dhashay muran ku saabsan lacago laga qaado gaadiidka dadweynaha oo isgoyskaas mara, waxaana dagaalka uu ahaa mid xoogan oo ciidamadii dagaalamay ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa waxaa ka qaybqaadanayay gaadiidka gaashaaman oo ay wateen ciidamada, iyadoo dagaalku uu sababay inay hakadaan isku socodka gaadiidka isla marakana ay xirmaan goobaha ganacsi ee ku yaalla isgoyskaas.

Gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa si nabadgalyo ah ku maraya intii uu dagaalku socday isgoyskaas, iyadoo dagaalka uu si iskiis ah u istaagan saacad barkeed kaddib, ma jiraan saraakiil ka tirsan dowladda oo ka hadlay dagaalka.

Iskahorimaadkan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor uu isla isgoyskaas ka dhacay iska-horimaad geystay dhimasho dhaawac oo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah, kaasoo ka dhashay muran u dhexeeya lacago gaadiidka laga qaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya