Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo Dawladda Seychelles ayaa kala saxeexday heshiis dhigaya in Budhcad-Badeedda Soomaalida lagu xidho xabsiyo ku yaala Somaliland iyo Puntland.
Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Seychelles Mr. Joel Morgan, ayaa sheegay in Dawladdiisu ay heshiis ku saabsan arrimaha Budhcad-Badeedda iyo xadhiggooda la saxeexatay Dawladda-ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale Wakiillo ka kala socda Puntland iyo Dawladda Somaliland. Wasiirku wuxuu intaa ku daray oo kale in heshiiskaas ay Dawladdahaas kula saxeexdeen mar wakiillo ka kala socdaa ay ka qayb-galeen Shir ku saabsan Budhcad-Badeedda oo ku qabsoomay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, waxaanu sheegay in heshiiskani daba-socday mid ay Somaliland iyo Puntland kula saxeexdeen bishii February dalka Seychelles, wakhtigaas oo Wasiirrada Caddaaladda ee labada dhinac ay ka qayb-galeen shir halkaa ka dhacay.
"Budhcad-Badeeddu waxay ka timi Dhulka, kamay iman badda, Seychelles-na waxay aqoonsan tahay dal, sidaa darted, waxaanu u baahanahay in aanu Beesha Caalamka u sheegno in jidka kaliya ee laga xallin karo dhibtaasi ay tahay dhinaca dhulka, maaha dhinaca Badda,"ayuu yidhi Mr. Morgan oo u waramay Wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya.
Wasiirkaasi waxa kale oo uu sheegay in Seychelles ay tahay dalka kaliya ee Gobolka ugu firfircoon la-dagaallanka Budhcad-Badeedda, waxaanu sheegay inay gacan ka geysanayaan taakulo beesha Caalamku u fidinayso sidii loo xoojin lahaa Ciidamada Badda ee Puntland. "Soomaaliya waxay u baahan tahay in si ballaadhan looga horumariyo dhinaca dhaqaalaha, si loo helo xasillooni siyaasadeed, tallaabada ugu habbooni waain la tirtiro Budhcad-Badeedda,"ayuu yidhi Morgan. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Haddii aynu wada-jir u shaqayno, waxaynu awoodi karnaa in aynu tirtirno Budhcad-Badeedda Gobolka iyo sidoo kale kuwa Gacanka Cadmeed."
Xukuumadda Somaliland ayaa dhawr jeer ku celisay in aanay Xabsiga dhexe ee Hargeisa oo ay Beesha Caalamku sheegtay in loo dhisay in lagu xidho Budhcad-Badeeddu aanu ahayn mid loogu talo-galay Budhcad-Badeedda, isla markaana waxay shaacisay inay ku gacan-saydhay heshiis ay Seychelles ku doonaysay in Xabsigaasi saldhig u noqdo Budhcad-Badeedda Soomaalida ee la soo xidho, hase ahaatee, hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Seychelles, ayaa ka hor imanaya dhawaaqa Xukuumadda Somaliland hore u shaacisay.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland