Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa maanta markii ugu horreysay booqasho ku tagay wasaaradii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha la socda ayaa sidoo kale booqday Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad oo fariisin u ah ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi isagoo halkaas kulammo kula qaatay saraakiisha AMSIOM ee xeradaas ku sugan.
Sheehk Shariif ayaa markii uu galay dhismaha wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga oo ku yaalla jidka warshadaha wuxuu salaan sharaf ka qaatay cutubyada ciidanka AMISOM ee halkaas ku jira, isagoo markaas kaddib xaruntaas kula hadlay saxaafadda.
"Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ahayd goobihii ay iska soo abaabuli jirtay Xarrakatul Shabaab, waxaana la wareegay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda KMG ah ay ka waddo gobollada koonfureed ee Soomaaliya howlgallo ay ciidamadu ka gaareen guulo, isagoo sheegay inuu rajaynayo in howlgalkaas uu kusoo dhamaado nabad lagu soo dabbaalo dalka oo dhan.
"Ciidamada AMISOM iyo dalalkii soo diray waxaan uga mahadcelinaynaa gacanta ay ka geysteen guulaha la gaaray, waxaana maanta dul-taagannahay dhiiggii iyo dhididkii la bixiyay mana ogolaanayno in si fudud lagu burburiyo," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Intaas kaddib ayuu madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu kulammo kula yeeshay kulliyada Jaalle Siyaad saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah, isagoo markii uu kulankaas soo dhameystay warbaahinta faahfaahin uga bixiyay ujeedada booqashadiisa.
"Ujeedada booqashadeennu waxay ahayd mid aan ku dhiirrigelinayno ciidamada DKMG ah, sidoo kalena aan ku sagootinayno ciidamada AMISOM ee baxaya sidoo kalena aan kusoo dhaweynayno kuwa imaanaya," ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo xusay in howlaha socda ay yihiin kuwo la isugu diyaarinayo sidii ay shacabku ugu soo laaban lahaayeen guryahooda.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa intii uu ku sugnaa wasaaraddii hore ee gaashaandhigga wuxuu gudaha u galay qaybaha dhismahaas, mana jirin wax rabshado iyo dagaallo ah oo dhacay intii ay booqashasiidu socotay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya