Arbaco, April 20, 2011(HOL): Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay daawo ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka Carabta taasoo isugu jirtay noocyada kala duwan ee daawada.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali Samantar oo lagu soo hagaajiyay Daawadan oo shir jaraa’id ku qabatay garoonka Magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle ayaa waxay warbaahinta horteeda kula wareejisay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cismaan Libaax Ibraahim.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R.wasaaraha Marwo Sahro ayaa u mahadcelisay Dowladda Imaaraadka Carabta, gaar ahaana Amiirka Imaaraadka Carabta Amiir Sheikh Khalifa bin Zayed Al-Nahayan iyo sidoo kale Khalifa Bin Zayed Foundation waxayna xustay in daawadani ay soo gaartay xilli ay jiraan duruufo dhanka daawada ah “Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda aan walaalaha nahay isla markaana aan saaxiibka nahay ee Imaaraadka Carabta kaalmadan daawada ah waxaana u balan qaadeynaa inaan u maamuli doono si nadiif ah” ayay tiri Marwo Sahro oo sidoo kale tilmaantay in dawadan ay gaarsiin doonaan dhamaamba dadka Soomaaliyeed ee u baahan ee qaba cudurada kala duwan.
Wasiir kuxigenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo isna saxaafada la hadlay ayaa u xaqiijiyay in daawadan oo tiradeedu dhantahay 11 Tone ay isugu jirto qeybaha kala duwan ee daawada, isagoo balan qaaday inay u maamuli doonaan si cadaaladi ay ku dheehantahay aysana dhici doonin in daawadan si qaldan loo isticmaalo “Sida aad la socotaan xukuumadihii dalka soo maray waxaa dhici jirtay in daawooyinka ama gargaarka Bani’aadaminimo la musuq maasuqo balse xukuumadu waxay balan qaadeynaa in aysan dhicin musuq maasuq” ayuu yiri Mr. Libaax oo sidoo kale sheegay in ay jirto daawo kale oo dhanka badda ku imaan doonta taasoo soo saaran Markab isla markaana ka timid dhanka Imaaraadka Carabta iyo labo isbitaal oo ku taala isla Imaaraadka.
Dhinaca kale, wasiirka ayaa sheegay in daawadan ay u qeybin doonaan Isbitaalada ay dowladdu maamusho oo ugu horeeyo Isbitaalka Martiini iyo sidoo kale MCH-yo ay ka hirgelisay degmooyinka Xamarweyne, Waaberi, X/jajab iyo qeybo ka tirsan degmada Hodon wuxuuna xusay in ay jiraan.
Garaad Salaad Hersi
Press Officer Office of the Prime Minister
Mogadishu, Soomaaliya
Dowladda Federaalka oo maanta la soo wareegtay dawo ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka Carabta (SAWIRO)
More News
- GOS oo Qado sharaf soo dhaweyn u sameeyay Wasiir ku xigeenka Isboortiga (SAWIRRO)
- Sheekh Aadan Madoobe oo soo jeediyay in doorashooyinka dib loo dhigo lana kordhiyo xilliga xukuumadda
- Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya
- Dagaal ciidamada Dowladda KMG ah iyo Xarrakatul Shabaab maanta ku dhexmaray duleedka Dhoobley
- Amniga waqooyiga Gaalkacyo oo la adkeeyay iyo maamulka oo ugu baaay shacabka inay dowladda la shaqeeyaan
- Madaxda dalalka Bariga Afrika oo ku baaqay in taageerada la siiyo ciidamada AMISOM la kordhiyo
- Caruur u dhimatay abaaraha ka taagan deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya
- Dagaal khasaare gesytay oo Dowladda KMG ah iyo Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray duleedka Ceelwaaq
- Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiga ku yaalla dalka Angola oo ka cabnaya dhibaatooyin kala duwan