Arbaco, Abriil 20, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay iskahorimaad saakay aroortii hore ku dhexmaray tuulada Buusaar oo ku dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ciidammo taabacsan DKMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidamada Xarrakatul Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda KMG ah kaga sugnaayeen deegaanka lagu dagaalamay, iyadoo la sheegay in sideed qof ay ku dhaawacmeen.
Afhayeenka ciidamada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay guulo ka gaareen, ayna ku qabsadeen hub kala duwan iyo saddex ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wateen ciidamada DKMG ah.
"Dagaalku wuxuu ka qarxay deegaanka Buusaar oo ku dhow degmada Ceelwaaq, waxayna xoogaggeennu halkaas ku qabsadeen saldhig ciidan iyo saanaddii taallay, sidoo kale waxay qabsadeen gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada DKMG ah, dib ayayna ugu laabteen Ceelwaaq," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay dagaalkaas ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada DKMG ah, balse aysan hadda bixin sheegi karin tiradooda dhabta ah, isagoo aan sheegin khasaare dhankooda dagaalka kasoo gaaray.
Laakiinse, saraakiil u hadlay DKMG ah oo ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in deegaankii lagu dagaalamay ay iyagu gacanta ku hayaan ayna khasaare badan u geysteen xoogaggii Xarrakatul Shabaab ee soo weeraray, balse koox walba waxay ka gaabsatay inay sheegto khasaaraha dhankooda soo gaaray.
Dagaalkaan ayaa noqonaya kii ugu xoogga badnaa ee si toos ah ugu dhexmara ciidamada taabacsan DKMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab deegaanka ka tirsan gobolka Gedo tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii ku dhexmaray degmada Buulo-xaawo bishii hore.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya