Arbaco, Abriil 20, 2011 (HOL) – Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhintay sideed kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saakay aroortii hore ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Shabax oo 10-km u jirta magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab.
Dagaalka ayaa qarxay markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ay weerarro ku qaadeen xoogagga Xarrakatul Shabaab oo ku sugnaa deegaanka lagu dagaalamay iyadoo aan la ogeyn cid haatan gacanta ku haysa deegaanka lagu dagaalamay.
Saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iyagu la wareegeen deegaankii lagu dagaalamay iyo deegaan kale oo ku dhow, ayna dagaalkaas ku dileen saraakiil ka tirsan Xarrakatul Shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanno ku dhwo halka lagu dagaalamay ayaa xaqiijiyay in dagaallo ay ka dhaceen deegaankaas, balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay inta uu le'eg yahay.
Mas'uuliyiinta u hadlay dowladda ayaa sheegay inay jiraan khasaare dhankooda ka soo gaartay dagaalka, inkastoo ay ka gaabsadeen inay sheegaan tirada khasaaraha iyadoo xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ay haatan tahay mid deggen.
Ma jirto hadal kasoo baxay dhinaca Xarrakatul Shabaab oo ku saabsan dagaalkii saakay ay ciidamada DKMG ah kula galeen deegaanno ku dhow Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose oo horay u qabsadeen ciidamada dowladda KMG ah oo lagu soo tababaray dalka Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya