Caruur u dhimatay abaaraha ka taagan deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya

Arbaco, Abriil, 20, 2011 (HOL) Tiradan caruurta ah ee la soo calaamadiyay in ay ku geeriyoodeen goballka Galgaduud ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa oo ay disho abaarta saameynta ku yeelatay dadka iyo duunayda ku dhaqan qeybo badan oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

Waxgaradka ku dhaqan deegaannada Masagowaa iyo Gal-cad oo ah halka laga soo sheegayo dhimashada caruurta, ayaa waxaa ay warbaahinta sidoo kale u sheegeen in dhibaatada ugu darran ka taagan tahay helista biyo la cabo, iyaga oo intaa raaciyay in aysan jirin wax gurmad ah oo ilaa hadda loo fidiyay dadka dhibaateysan.

''Marka laga soo tago tiradan caruurta ah ee hadda dhimatay, waxaa iyaguna jira kuwo la liita darxumada ay ka dhaxleen abaarta taagan ayuu yiri,'' mid ka mid ah waxgaradka deegaanadda dhibaatada laga soo sheegayo.

Wariye jooga degmda Caabud-waaq oo ka tirsan goballka Galgaduud ayaa HOL u sheegay in ilaa hadda aysan helin dadka ku dhaqan qeybo badan oo ka mid ah goballka gurmad la taaban karo, marka laga reebo ayuu yiri meelaha qaar oo ay Jaaliyaddaha dibadu ka sameeyeen biyo dhaamin aan sidaa u sii badneyn, waxaana uu wariyuhu intaa ku darray in xaalada adag ay soo food saartay haweenka iyo caruurta goballka.

Goballada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha sida darran abaartu saameynta adag ugu yeelatay marka loo eego guud ahaan qeybaha kale ee dalka, inkastoo hadda dadka labada goballka rajadoodu wanaagsan tahay  rabina ka rajeynayaan in uu raxmadiisa u shubo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya