Madaxda dalalka Bariga Afrika oo ku baaqay in taageerada la siiyo ciidamada AMISOM la kordhiyo

Arbaco, Abriil 20, 2011 (HOL) Urur ay ku mideysan yihiin dalalka bariga Afrika oo shir ku yeeshay magaalada Darusalem ee xaruta dalka Tanzania shalay oo Tallaado ahayd ayaa looga codsaday dalka Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

"Shirku wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Midowga Yurub inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka.

Dalalka ku mideysan ururkan oo loosoo gaabso 'EAC' ayaa waxay kala yihiin: Tanzania, Burundi, Rwanda, Uganda iyo Kenya, waxay sidoo kale ugu baaqeen dalalka Uganda iyo Burundi oo ciidamada AMISOM ku yaboohay inay ka shaqeeyaan sidii nabadda Soomaaliya lagu soo celin lahaa.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu tahay 9,000-askari ayaa ka socdaan Burundi iyo Uganda iyagoo dowladda KMG ah gacan ka siiya dagaallada ay kula jirto xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ka taliya degmooyin kooban oo Muqdisho ka tirsan, waxana dagaal joogto ah kula jira xoogagga Al-shabaab oo muddo laba sano ah ka talinaysa inta badan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha AMISOM Maj. Jen. Nathan Mugisha ayaa horraantii bishii hore caalamka ka dalbaday in AMISOM la taageero si ay uga saarto Muqdisho xoogagga Islaamiyiintsa ah ee ka horjeeda dowladda KMG ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalya madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete, kan Kenya Mwai Kibaki, kan Burundi Pierre Nkurunziza, kan Uganda Yoweri Museveni iyo ra'iisul wasaaraha dalka Rwanda Bernard Makuza.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya