Sheekh Aadan Madoobe oo soo jeediyay in doorashooyinka dib loo dhigo lana kordhiyo xilliga xukuumadda

Arbaco, Abriil 20, 2011 (HOL) Guddoomiyihii hore baarlamaanka KMG Soomaaliya xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa soo-jeediyay in dib loo dhigo doorashooyinka madaxnimo ee Soomaaliya, lana kordhiyo muddada ay shaqeynayso xukuumadda.

Sheekh Aadan Madobe ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda uu halis ku yahay jirtaanka dowladda iyo howlaheeda sida ammaanka isagoo xusay in dowladdu aysan xilligan khilaaf u baahnayn maadaama ay dagaal kula jirto kooxda Xarrakatul Shabaab.

"Waxaan soo-jeedin lahaa in xilliga dowladda iyo kan baarlamaanka lagu daro laba sano si muddadaas la isugu diyaariyo doorashooyinka madaxnimo oo si xaq ah dalka uga dhaca," ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

"Madaxda sarsare ee hay'adaha dowladda KMG Soomaaliya waxaan u jeedinayaa inay khilaafkooda si hoose ku dhammeeyaan ayna si wadajir ah uga shaqeeyaan howlaha horyaalla dowladda, si marxlada kala guurka ah looga baxo," ayuu mar kale yiri.

Afhayeenkii hore ee baarlamaanka ayaa ugu baaqay guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada inay dadaal u galaan sidii ay u xallin lahaayeen khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda KMG ah oo ka dhashay muddadii saddexda sano ahayd ee ay ku kororsadeen xilliga ay shaqeynayaan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu kasoo hor-muuqdo saxaafadda tan iyo markii uu xilkii guddoomiyenimo ee baarlamaanka iska casilay 17-kii May ee sannadkii hore, kaddib khilaaf xooggan oo soo dhexgalay isaga iyo ra'iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo isaguna isku casilay muran isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif soo dhexgalay.

Khilaafka u dhexeeya madaxda DKMG ah ayaa noqday mid shaacay iyadoo Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ay wadaan kulammo gaar-gaar ah oo ay la leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka iyadoo mas'uul walba uu isku dayayo inuu midka kale ka adkaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya