Amniga waqooyiga Gaalkacyo oo la adkeeyay iyo maamulka oo ugu baaay shacabka inay dowladda la shaqeeyaan

Arbaco, Abriil 20, 2011 (HOL) Taliska sare ee ciidamada Puntland ayaa sheegay in amniga Gaalkacyo isbadal lagu samayn doono bacdamaa ay ka dhaceen dilal qorshaysan labadii asbuuc ee ugu danbaysay.

"Boolisku waxaa ay ku raad-joogaan dadkii ka danbeeyay weeraradii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla Gaalkacyo "ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska Puntland oo la hadlay warbaahinta.

Cali Nuur ayaa sheegay in ay jiraan dad laga shakisanyahay oo ku sugan  gudaha magaalada oo qaarkood ay gacanta ku dhigeen ciidanka dowladda,isla markaana sharciga la horkeeni cid kasta oo ay ku caddaato kiisaskii dhacay.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidamo laga soo kala xulay degmooyinka kala duwan ee Puntland ay ku suganyihiin iminka magaalada Gaalkacyo ,kuwaasi oo ka qayb qaadanaya amni sugidda magaalada.

Maamulka gobolka ayaa maanta la shiray qaar kamid ah saraakiisha horkacaya ciidamada gaaray halkaasi si ay ugala hadlaan arimo ku saabsan xoojinta amniga degmada.

"Waxaa shacabka looga baahanyahay in ay taageeraan howgallada ay wadaan ciidamada amniga "ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Mudug oo isna la hadlay warbaahinta.

Dhinaca kale madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole oo shalay dib ugu soo laabtay Garowe ayaa canbaareeyay dilalkii ka dhacay Gaalkacyo ,isagoo ku tilmaamay in uu ahaa mid arxan darro ah.

Howlgaladan ka bilowday Gaalkacyo ayaa waxa siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay bulshada halkaasi ku nool,iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta in xaaladda ay sii adkaato.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Boosaaso, Soomaaliya